Home News in English Wararka ugu muhiimsan :- Qof Västerås lagu dhaawacay, Cilmi baaris dadka waaweyn...

Wararka ugu muhiimsan :- Qof Västerås lagu dhaawacay, Cilmi baaris dadka waaweyn oo lasoo saaray, iyo Qodobo kale

0

Xubinta Wararka ugu muhiimsan ee Maanta waa Xubin aan soo qaadin doono maalin kasta isla markana Akhristayaasha ay kala socondoonaan wararka guud ahaan ka dhaca Caalamka oo kooban iyadoo wararka kuwooda muhiimka ah aan markale soo qoridoono isagoo faahfaahsan Fadlan la soco Xubintan Cusub fakarkaga ka dhiibo sida ay kula tahay.

Aan ku bilowno Västerås

Wararka laga helayo Magaalada Västerås ayaa sheegaya in Xaafada Skultuna ee waqooyiga magaaladaasi laga helay qof dhaawac ah kaasi oo lagu dhuftay toorey.

Qofka oo da’diisa lagu sheegay 25 sano jir ayaa waxa soo gaaray dhaawac xoogan sida uu sheegay Linda Wideberg oo u hadlay booliska inkastoo aan loo qaban qofna hadana waxaa looga shakiyay weerarka iskuday dil.

Cilmi Baaris dadka waaweynka oo lasoo saaray.

Cilmi baaris laga soo saaray dadka waaweyn ayaa sheegaya in qofka weyn iyo qofka xanuunsan uu gacantiisa ku cuno cunada ay caafimaad ku jirto halkii ay isticmaali lahaayeen qaando ama fargeeto,

baaritaanka ayaa lagu ogaaday in qofkaasi uusan nafaqo ka heleenin hadii uu wax ku cuno fargeeto ama qaando lakin ay wanaagsantahay sidii gacantooda wax ku cuni karaan.

Qaramada Midoobe

Qaramada Midoobey ayaa wadamada aduunka kula tallinaysa in ay muwaadiniinta u joogta xeerada al-Hol ee dalka Suuriya Caawimaad u diraan halkasi oo 2500 caruur ay dhaleen dad la garab dagaalamay ururka argagaxisada Daaceesh.

Qaar ka mid ah caruurahaas ayaa ah muwaadiniin Iswiidish. Sida ay QM hadda filayso tiro u dhaxeeysa 60 ilaa 80 caruur ayaa halkaas jooga.

Dalka Ecuador

Muwaadinka Iswiidhishka ah ee lagu qabtay dalka Ecuador ayaa lagu tuhmaya in uu basaasay telefoono ay iska leeyahiin shacabka ku nool Ecuador iyo dad ka tirsan dawlada halkaas. Sidaas ayuu sheegay madaxweeynaha Ecuador Lenin Moreno oo dhowaan dalka Mareeykanka booqasho ku tagay.

Ciida ”påsk”

Ciidda ”påsk” ee bilaabaneysa ayaa ah mid gaadiidku kordho iyadoo dadku safaro u baxaan isla markaana ay taa keento khatarta shilalka oo kororta.

Marie Nordén, xoghaya guud ee ururka qaran ee xoojinta ammaanada gaadiidka ”NTF” ayaa sheegtay in waxa ugu badan ee sababa shilka uu yahay gaariga oo xowli lagu wado, ayey tiri.

Norway Dhalinyaro shil gaari gashay

Lix dhalinyaro oo da’doodu u dhaxayso 17-21 sano oo shil ku glaay Tertneskrysset ee Åsane.–

Baaristu waxay sheegaysaa illaa iyo hadda in lix dhalinyaro ah oo da’doodu u dhaxayso 17–21 sano ay ku lug yeesheen shilka baabuur ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay booliiska.

Wararka ugu Muhiimsanaa ee Maanta

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here