Home Wararka Maanta Norway Gudoomiyaha Oslo oo soo jeediyay in Lacagta Ceerta laga jaro Xaafadaha...

Norway Gudoomiyaha Oslo oo soo jeediyay in Lacagta Ceerta laga jaro Xaafadaha qaar ee Caasimada

0

iyadoo Qaxootiga ku nool Dalka norway qaarkood ay qaataan lacagta ceerta ee guri jooga ayaa mid kamid ah Xisbiyada Norway waxa uu soo jeediyay in Lacagta Ceerta laga jarto xaafadaha qaar ee Caasimada Oslo

Xisbiga AP oo somalida Dalka norway badankooda codka siiyeen ayaa soo jeediyay in lacagta ceerta laga jaro waalidka ku nool xaafadaha qaar ee Oslo.

Raymond oo ah Gudoomiyaha Maamulka Degmada Oslo ee Xisbiga Shaqaalaha AP ayaa sheegay in dhoor jeer dowlada u bandhigeen sidii dadka ku nool Xaafadaha qaar looga jari lahaa lacagtaasi ceerta ah.

Sababaha ugu weyn ee lacagta looga jarayo ayuu ku sheegay in saameen xoogan ku yeelatay dadkaasi sidii suuqa shaqada ula qabsan lahaayeen iyo in caruurta yar yar ay luuqada bartaan.

Waxa uu ugu danbeyn soo jeediyay in lacagta Ceerta loo badalo lacag lagu caawiyo caruurta si ay waqti dheeri ah ugu helaan xaruumaha Xanaanada iyo abuurista shaqooyin loo sameeyo waalidka.

Somaliska Oslo

Xigasho/VG:NO

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here