Home News in English Doorashada Barlamaanka Finland oo dhacday iyo Rajada Qaxootiga ay leeyihiin

Doorashada Barlamaanka Finland oo dhacday iyo Rajada Qaxootiga ay leeyihiin

0

Maalintii shalay ee Axadda waxaa dalka Finland ka dhacdey doorashadii baarlamaanka waxaana ay noqotey mid taariikhi ah.

Baarlamaanka Finland waxa uu ka kooban yahay 200 oo xildhibaan, waxaana u tartamey xisbiyo aad u badan waxaana soo baxay sideed Xisbi iyo laba xildhibaan oo mid hal xisbi ka socdey.

Guud ahaan dadka Finland ee xaq u leh in ay codeeyaan ayaa gaarayey 4.5 milyan qof, waxaana doorashadan ay noqotey midii ugu badneyd ee laga qaybqaato muddo 30 sano ah kadib waxaana ka qaybqaadashadu gaartey 72%, taas oo ka dhigan dad ka badan 3 milyan in ay codkooda dhiibteen.

GUUSHA & KHASAARADDA DOORASHADA

Doorashada waxaa ku guuleystey oo noqdey Xisbiga ugu weyn ee dalka Finland Sooshal Dimoqraadiga, oo helay 40 Xildhibaan waxaa ku xigey Xisbiga Asal-raaca Finishka ee PS oo helay 39 Xildhibaan halka kaalinta saddexaad uu galay Xisbiga Burjiwaasiyiinta ee Kokomuska oo helay 38 Xildhibaan. Xisbiga khasaaradda xooggan ku dhacdey waa Xisbiga Bartamaha (Center Party) oo markii hore Xukuumadda hoggaaminaayey waxaana ay waayeen Xildhibaano gaaraya 18 Xildhibaan. Guuldarada labaad ayaa ku dhacdey Wasiiradii ka socdey Xisbiga Buluuga Mustaqbalka ee markii hore Xukuumadda fadhiyey kadib markii ay ka baxeen Xisbiga Cusuiriga, dhamaantoodna waxa ay waayeen kuraastii ay ku lahaayeen baarlamaanka.

Baarlamaanka waxaa ka mid noqdey 83 Xildhibaan oo cusub halka 117 Xildhibaan ee kale ay ka mid yihiin kuwii horey u fadhiyey baarlamaanka.

GUUSHA HAWEENKA

Haweenka ayaa dhigey taariikh cusub waxaana ay noqotey doorashadii ay haweenku helaan kuraasta ugu badan, 200 ee Xildhibaan ee baarlamaanku ka kooban yahay ayey heleen 92 Xildhibaan, Xisbiga Deegaanka (Green Party) oo helay 20 Xildhibaan ayaa 17 kamid ah ay yihiin Gabdho. 54% baarlamaanka cusub ee rag halka 46% ay yihiin haween.

GUUSHA CUNSURIYIINTA

Hoggaamiyaha xisbiga Asal-raaca Finnishka ee Perussuomalainen Halla-aho Jussi ayaa noqdey musharaxa ugu codadka badan, ninkan ayaa caan ku ahaa afkaarta xagjirnimada, midab-sooca iyo nacaybka soo-galootiga, taageeradiisu waxay muujineysaa halka in badan oo kamid ah dadka Finland ay u jeesteen iyo sida ay u taageerayaan afkaartiisa xagjirnimo iyo Naceebka Qaxootiga Dalka.

SOOMAALIDA IYO DOORASHADA

Musharxiin badan oo Soomaaliyeed ayaa ka qayb-qaatey doorashada inkasta oo badankood ay iska sharaxeen magaalooyin iyo gobolo looga baahan yahay musharaxu in uu ku soo baxo codad badan, Musharaxa ugu codka badnaa ayaa ahaa Siciid Suldaan Axmed, waxa uu ka sharaxnaa magaalada Helsinki waxaana uu helay codad gaaraya 2452 oo cod. waxaa ku soo xigey Cabdiraxim Xuseen oo helay 1989 cod. Ma jirin Soomaali loo doortey Baarlamaanka.

DHISMAHA XUKUUMADDA

Kadib doorashada waxaa bilaamaya wada hadalka dhismaha xukuumadda iyo iskaashiga Xisbiyada, Finland waxay kamid tahay dalalka aan hal Xisbi xukuumadda soo dhisi karin marka la eego sida codadku u qaybsamaan.

Sida muuqata waxaa Xukuumadda soo dhisaya Xisbiga Sooshal Dimoqraadiga oo wada hadal la furaya Xisbiyada kale ee ay isku afkaar dhaw yihiin.

Xisbiga Cunsuriga ee Asal-raaca Finnishka iyo hoggaamiyahooda Halla-aho Jussi waxay doorashada muujiyeen taageerada weyn ee ay haytsaan, waxaana ay doonayaan in laga qayb-galiyo wada hadalka dhismaha xukuumadda oo aan la fuquuqin lana dhegaysto Nusmalyuunka qof ee u codeeyey.

Sida la saadaalinaayo Xisbiga Sooshal Dimoqraadigu waxay indhaha ku hayaan in ay Xukuumadda la soo dhisaan Burjiwaasiyiinta Kokomuska oo haysta 38 Xildhibaan, Xisbiga deegaanka oo haysta 20 Xildhibaan iyo Xisbiga dadka Iswidhishka RKP oo haysta 9 Xildhibaan taas oo wadarta guud ka dhigeysa 107 Xildhibaan oo ah aqlabiyad Xukuumad lagu soo dhisi karo.

Sidoo kale Anti Rinne hoggaamiyaha Xisbiga Sooshal Dimoqraadiga waxaa u furan in uu xukuumad la soo dhiso Xisbiga Cunsuriga PS iyo kan Burjiwaasiyiinta ee Kokomuska oo keliya taas oo ah aqlabiyad aad u weyn, meeshana ka saaro dhamaan Xisbiyada kale ee aan la shaqeyn karin Cusnusiriyiinta, inkasta oo ay ka horeyso gorgortan aad u adag iyo in Xisbiga Asalraaca Finnishka ee Cusniriyiintu ay tanaasul sameeyaan, arrintan waxa ay keeni kartaa in hoos loo dhigo taageerada xad-dhaafka ah ee uu helay Xisbiga Cusniriyiinta haddii laga qayb-geliyo Xukuumadda, taas oo horey loo tijaabshey, laakiin haddii aan laga qaybgelin Xukuumadda waxa uu ku socdaa doorashada danbe in uu noqdo Xisbiga ugu weyn dalka Finland.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here