Home News in English Warbixin Qaxootiga Cusub ee Sweden oo ku faraxsan Nolosha Dalka

Warbixin Qaxootiga Cusub ee Sweden oo ku faraxsan Nolosha Dalka

0

Kumanaan Qaxooti ah ayaa iska dhiibay Dalka Sweden sanadihii u danbeeyay kuwaasi oo hada dareemaya nolol farxad leh in ay ku heestaan Degmooyinka ay ku noolyihiin sida ay muujineyso warbiixin lasoo saaray.

Tirada Dadka lagu sameeyay baaritaanka ayaa lagu sheegay 6 kun oo Qaxootiga ku cusub Dalka inkastoo warbaahinta qoraan Walwalka ku saabsan Toogashada ka dhacda sweden hadana waxay dareemayaan in ay heestaan Nolol iyo wadan amaan ah sida uu sheegay Bi Puranen oo ka tirsan baarayaasha.

Dadka badankooda ayaa ku jawaabay in ay heestaan Nolol wanaagsan halka kuwa kale ay sheegeen in ay caafimaad feecan ka heleen halkan.

arimaha kale ee dadkaasi ka hadleen waxaa kamid ah cadaalada Raga iyo Haweenka oo wadankooda ku heysanin waxana badankooda aaminsanyihiin in Sweden ka jirto cadaalad dhanka jinsiga ah.

Bi Puranen ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in baaritaanka arinkaan ay ku qaadatay mudo dheer ah si ay u helaan warbixin lamid ah fakarkooda.

Somaliska Stokcholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here