Home Wararka Maanta Nyamko Sabuni oo sheegtay in ay u taagan tahay Xilka Gudoomiyaha Xisbiga...

Nyamko Sabuni oo sheegtay in ay u taagan tahay Xilka Gudoomiyaha Xisbiga Liberalerna

0

Nyamko Sabuni ayaa shir jaraa’id oo ay maanta qabatay ku sheegtay inay u taagan tahay doorashada xilka hoggaanka xisbiga Liberalerna.

– Waxaan taageero ka haystaa xubnaha xisbiga, waana sababta aan maanta ugu dhiiraday inaan shaaciyo inaan u taagnahay xilkaa. Qaar badan ayaa soo jeediyay inaan ka mid noqdo siyaasiyiinta u sharraxan xilka hoggaanka xisbiga Liberalerna, sida ay sheegtay mar ay wareeysi siisay laanta wararka Ekot. Iyadoo hadalkeedii sii wadatana sheegtay:

– Keli ahaan kor uguma soo qaadi karo taageerada xisbiga haddii lxilkaa la ii doorto. Hase yeeshee waxaa loo baahan yahay in dad badani iska kaashadaan, aniguna waxaan ahay cid wada shaqeeynta ku wanaagsan, sida ay Nyamko Sabuni ku sheegtay shirka jaraa’id.

Mar ay Nyamko Sabuni ka hadashay heshiiskii uu xisbiga Liberalerna bishii jannaayo la galey xisbiyada S, MP iyo C ayay sheegtay:

– Waxay illa muuqataa in heshiis sidiisaba la dhowro. Waa in la aamini karo xisbiga Liberalerna heshiisyada lala galo, sida ay sheegtay.

Saabuuni oo haray oo haray dhaleecooyin ugala kulantay fikirkeedii in loo baahan yahay wada shaqeeyn lala yeesho xisbiga Sverigedemokraterna ayaa sheegtay in aanay ula jeedin in si buuxda loola shaqeeyo xisbiga SD.

– Waxaan dareemayaa in fikirka xisbiga SD u taagan yahay iyo inuu xisbigu taariikh madow leeyahay, isla markaana ey xubnaha xisbigaasi sheegaan inuu fikirla liberaalku yahay cadowgooda koowaad, in markaa wada shaqeeyn lala yeesho waa mid loogu kala fog yahay. Hase yeeshee in lagu wada shaqeeyo guddi hoosaadyada baarlamanka , waa mid aan soo dhoweeynayo maadaama aan ahay qof aaminsan nidaamka dimoqoraadiyada, sida ay Nyamko Sabuni.

Sabuni oo haray u soo haysay xilka wasiirka is dhexgalka ayaa sheegtay inay siyaasadda is dhexgalku tahay midda ugu muhiimsan, balse haddii xilka loo doorto ay ka shaqeeyn doonto sidii ay u ballaarin lahayd su’aalaha siyaasadda ee xisbigu xiiseeyo:

– Wax badan ayaannu ka hadalney su’aalaha aannu xiiseeyno. Waxaannu ka hadalney siyaasadda iskuulka, siyaasadda EU iyo cashuurta loo yaqaanno värnskatt – canshuurta dheeriga ah ee laga qaado dadka qaata mushaarrooyinka sarreeya. Hase yeeshee waxay bulshadu iminka xiiseeysaa cimilada iyo bayada, siyaasadda dhaqaalaha, socdaalka iyo is dhex galka, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay Nyamko Sabuni.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here