Home Wararka Maanta Hooyo soo galisay Baraha Bulshada Muuqaalka iyo Sawirada Gabadheeda oo la Maxkamadeeyay

Hooyo soo galisay Baraha Bulshada Muuqaalka iyo Sawirada Gabadheeda oo la Maxkamadeeyay

0

Haweenayda oo ay is khilaafeen hay’adda barnetvernet ayaa sawiro iyo vidioyo ku saabsan gabadheeda baraha bulshada dhigtay

Haweenay 40 jir ah ayey maxkamadda Hålogaland ee norway xukun ku riday kadib markii lagu helay inay ku xadgudubtay nolosha qaaska ah ee gabadheeda iyadoo gaar ahaan sawiradeeda dhigtay baraha bulshada. Haweenayda waxaa lagu xukumay inay bixiso lacag gaaraysa 12000 krone sida uu qoray Rett24.

Haweenayda oo ay isku dhaceen hay’adda arrimaha carruurta qaabilsan ee barnevernet ayaa samaysay bog ama group facebook ah oo ay wax uga qoraysay kiiska barnevern-ka.

Haweenayda ayaa lagu helay inay tabisay arrimo la xiriira shaqaalaha hay’adda carruurta iyo sawiro iyo video-yo muujinaya gabadha oo ooyeysa iyo weliba warqad ay soo qoreen qolada carruurta oo xog xasaasi ah xambaarsan.

– Xaqiiqada ah inaysan todoba jirkani ka jawaab celin soo bandhigistaan kama reebayso in falcelin soo baxdo waqtiga qaangaarka ayaa lagu yiri xukunka

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here