Home Wararka Maanta Sweden Haweeney ilmogaleen ay hooyadeed ugu deeqday ku qaaday Uur kuna dhashay

Sweden Haweeney ilmogaleen ay hooyadeed ugu deeqday ku qaaday Uur kuna dhashay

0

Wiil ayaa markii ugu horreeysay u dhashay haweenay lagu abuuray ilmogaleen ay hooyadeed ugu yaboohday iyada oo lala kaashanayo qalabka loo yaqaanno robot-ka.

Waana ilmihii ugu horreeyay caalamka ee ku dhasha qalliin loo isticmaalay tekniko noocani ah oo ka dhacay cusbitalka jaamicadda Sahlgrenska.

Qalliinka xubin yabooha ee teknikadan la isticmaalay ayaa lagu tallaabsaday bishii oktoobar ee sannadkii 2017. Qalliinka qofka yaboohay ilmo galeenka ayaa lagu sameeyey dalool caloosha oo aan ka weeyneyn sentimitir. Iyadoona ugu dambeeyntii xoogaa la jeexey si xubinta looga soo saaro oo loogu abuuro hooyada uu iminka wiilku u dhashay oo lagu sameeyey qalliin furan.

Uurka hooyada ayaa ku dhammaaday dhib la’aan. Iyadoona wiilku ku dhashay qalliin horey u qorsheeysnaa toddobaadkii 36-aad

Wiilka ayuu miisaankiisu ahaa 2 900 oo garaam, halka dhererkiisuna ahaa 48 sentimitir. Sida laga soo xigtay laanta P4 Göteborg.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosveriege.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here