Home Wararka Denmark Denmark oo Qaxootiga Suuriya u diiday Sharci Cusboneysiinta kuna wargalisay in ay...

Denmark oo Qaxootiga Suuriya u diiday Sharci Cusboneysiinta kuna wargalisay in ay Celineyso

0

Dowlada Denmark gaar ahaan laanta Socdaalka ayaa diiday in ay Sharciga u Cusboneysiiso Dadka Sharcigooda ku meel gaarka uu ka dhacay ee kasoo jeeda Dalka Suuriya.

Dadka sharciga ka dhacay oo tagay Xaruunta Laanta Socdaalka ayaa lagu wargaliyay in aan loo kordhineen Sharciga isla markana dib loo celinayo hadii ay saxiixaan warqadaha dib u celinta.

Dadka arintaasi la kulmay waxaa kamid ah Hooyo ku nool Caasimada Copenhagen oo heesata Sadax Caruur ah iyadoo loo sheegay in Qoyskeeda oo dhan loo ogolaanayo in ay dib u laabtaan taasi oo layaab ku noqotay.

Hay’ada laanta Socdaalka Denmark ayaa dadkaasi u sheegtay in Dalka suuriya gaar ahaan Magaalada Demuscus ay tahay amaan isla markana ay ku laaban karaan sidoo kale dowlada ayaa bilowday in ay dib u fiiriso dadka isku dhiibay siyaasada.

dadka loo diiday cusbooneysiinta Sharciga ayaa laga joojinayaa caawinta halka caruurtooda aysan sii wadidoonin waxbarashada madama uu sharciga ka dhacay.

Somaliska Copenhagen

Xigasho/Alkompis

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here