Home News in English Wadamada Yurub oo laga hadal hayo Tahriibayaal Afduubtay Markabkii soo badbaadiyay

Wadamada Yurub oo laga hadal hayo Tahriibayaal Afduubtay Markabkii soo badbaadiyay

0

Ciidamada jasiiradda Malta ayaa gacanta ku dhigay markab ah kan shidaalka xambaara oo ay afduubteen dad tahriibayaal ah oo badda laga soo badbaadiyay iyaga oo dooni la sabaynaya.

Dadkan oo kor u dhaafaya 100 qof ayaa falkan ku dhaqaaqay kadib markii lagu wargaliyay in dib loogu celin doono dalka Liibiya oo ay markii hore ka yimaadeen.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in tahriibayaasha xabsiga loo taxaabay kadib markii markabka uu baroorsinka dhigtay dekada Malta.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa isna tahriibeyaasha ku tilmaamay “burcad badeeed”

Arrintan ayaa imaanaysa iyaddoo Midawga Yurub uu sheegay in uu joojinayo gaafwareegidda badda Mediterranean-ka.

Ra’isulwasaaraha Malta Joseph Muscat, ayaa sheegay in sida ay tahay loo tixgalin doono qawaaniinta caalamiga ah marka ay timaado qaabka loola macaamilayo tahriibayaasha la xirxiray.

Xasiina Hadjsahraoui oo ka tirsan hay’adda MSF ayaa BBC-da u sheegtay in falka ay ku kaceen tahriibayaasha ay tusaale u tahay xaaladda qar iska xoornimada iyo quusta ah ee ay ku suganyihiin dadka.

Dhanka kalana Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga ayaa ciwaankiisa Facebook-ga ku soo qoray “dad go’doonsan ma aha ee waa burcad” in ay adeegsadaan diirad ama waynayso oo kali ah ayay Talyaaniga ku arki doonaan.”

Salvini ayaa marar badan xuddun u noqday muran caalami ah oo ka dhashay maraakiib ay soo galooti saarnaayeen oo uu u diiday in ay ku soo xirtaan xeebaha Talyaaniga.

Somaliska Italy

Xigasho/BBC

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here