Home Wararka Maanta Gudaha Maktabada (Bibliotek) Xaafada Tensta oo lagu kala iibiyo Maandooriyaha.

Gudaha Maktabada (Bibliotek) Xaafada Tensta oo lagu kala iibiyo Maandooriyaha.

0

Gudaha maktabadda Tensta ayaa waxa ka socda ganacsi maandooriye kaasoo u socdo si aan qarsooneyn. Ganacsigan ayaa keeni  kara in la xiro maktabadda.

In kastoo xilliga ay Laanta wararka P4 Stockholm gaartay kula kulantay maxkatabadda dad meesha u tagay iney buugaag ku aqristaan waxa haddana bilihi ugu danbeeyey ka socday maktabadda ganacsi maandooriye iyadoo shaqaalaha hortooda lagu kala iibsado maandooriyaha.

– Ganacsiga ayaa ka socday shaqaalaha hortooda. Waxaa kaloo laga helay maktabadda bac iyo lacago ku dhexjira buugaagta, ayuu yiri Kristofer Gren, madaxa waaxda Järva ee maktabadda Stockholms stadsbibliotek.

Shaqaalaha ayaa markhaati ka noqday in lagu isticmaalay maandooriyaha cannabis maktabadda.

Kristofer Gren ayaa sheegay iney dhici karto in maktabadda la xiro hadduu ganacsiga maandooriyuhu istaagi waayo.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here