Home Wararka Maanta Dowladaha Midowga Yurub oo mamnuucay Duulimaadka Diyaarada Boeing 737 MAX.

Dowladaha Midowga Yurub oo mamnuucay Duulimaadka Diyaarada Boeing 737 MAX.

0

Midowga yurub ayaa isku raacay hakinta duulimaadka Shirkada diyaaradaha Boeing 737 MAX. kadib markii 157 qof ay ku dhinteen nuuc kamid ah diyaaradaasi oo ku dhacday duleedka caasimada Dalka Itoobiya.

go’anka ayaa yimid kadib markii wadamada Britain, Germany iyo France ay axadii soo saareen go’an ay ku mamnuuceen diyaaradaha Boeing 737 MAX waxaa sidaasi oo kale qaatay Dalka india oo mamnuucay duulimaadka diyaaradan.

Shirada Boeing ayaa ah shirkada ugu weyn caalamka ee sameesa diyaaradaha taasi oo sheegtay in ay hayaan kalsoonida diyaaradaha numberkeda yahay 737 MAX.

sidoo kale shirkada ayaa sheegtay in waaxda duulimaadka dalka mareykanka ee FAA in aysan wax talaabo ah ka qaadin duulimaadka diyaaradan.

Shakiga diyaarada ayaa timid kadib markii Axadii ay ku dhacday Dalka Itoobiya halka bil kahor ay ku dhacday dalka indonesia halkaasi oo ku dhinteen 189 qof.

Somaliska Stockholm

Xigasho/reuters

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here