Home Wararka Maanta SSB oo soo bandhigtay Tirada guud ee Qaxootiga ku nool Dalka Norway.

SSB oo soo bandhigtay Tirada guud ee Qaxootiga ku nool Dalka Norway.

0
Tirada dadka soo galootiga ah iyo kuwa ay dhaleen ayaa tiradooda oo guud lagu sheegay inay tahay 944.202 oo qof. 

Tiro koob ay samaysay waaxda SSB ayaa muujiyey in ku ekaan 1-dii bishii janaayo ee sannadkan 2019 ay diiwaanka dalkan ku jireen 765.108 qof oo soo galooti ah iyo 179.204 qof oo ku dhashay Norway laakiin waalidkood horey ugu dhasheen dibadda.

Tirada soo galootiga iyo waxa ay dhaleen ayaa isku gayn noqonaya tiro ah 944.202 qof, taasoo qayb ahaan ka noqonaysa guud ahaan shacabka dalkan 17,7 boqokiiba.

Sannadkii dhamaaday ee 2018 bilowgiisii waxay soogalootigu ahaayeen 916.625 qof oo ay ku jiraan dhalinta ku dhalatay dalkan, taasoo isla markaana u dhigmaysay 17,3 boqolkiiba.

Sannadkii 2018 dadka ku soo siyaaday dalkan waxay noqdeen 18.400 marka loo eego sannadkii ka sii horeeyey. Waxaa lagu sheegay tiraddan tii ugu yareed ee kororka soo galootiga dalkan tan iyo sannadkii 2005. sannadkii 2013 wuxuu ahaa sannadkii ay ugu badnaayeen soogalootigu waxaana ay ahaayeen 46.600 oo qof.

Tirada dhalinta ku dhalatay dalkan Norway laakiin leh waalid ajnabi ah ayaa iyaduna cagacagaynaysa sannadkan 2019 tiro dhan 179.300 qof, taasoo kasii dhigan 3,4 boqolkiiba bulshada Norway.

Somaliska Oslo

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here