Home Wararka Maanta Maxkamada Degmada Oslo oo Xabsi labo sano iyo bar ku xukuntay Haweeney...

Maxkamada Degmada Oslo oo Xabsi labo sano iyo bar ku xukuntay Haweeney Somali ah.

0

Maxkamada Degmada Oslo ayaa xukun ku riday haweeney 31 sano jir ah oo somaliya kasoo jeeda taasi oo lagu eedeeyay in ay kamid tahay kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka suuriya.

xeer ilaaliyaha ayaa ku eedeeyay haweeneyda somaliyed in ay ku socotay dalka Suuriya halkaasi oo dooneysay in ay kula aqal gasho nin ka tirsan kooxda daacish oo xiriir guur ku balan sanaayeen.

haweeneyda oo laga qabtay caasimada Vienna sanadkii 2017 iyadoo wadata lacag gaareysa 50,000 kun oo lacagta norway iyo basaboor faalso ah ayaa sheegtay in ay ku socotay dalka itoobiya halkaasi oo ay ku booqan laheyd wiil ay dhashay.

Maxkamada degmada oslo ayaa hooyada ku xukuntay labo sano iyo bar xabsi ah waxana arinkaasi soo dhaweeyay qareenka u doodayay madama xeer ilaaliyaha uu rabay in la xukumo intaasi ka badan.

Somaliska Oslo

xigasho/Dagbladet

riix halkan sii akhriso warka oo af norweigian ah

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here