Home Wararka Maanta Götenborg Maxkamada sare ee Degmada oo xabsi iyo tarxiil ku xukuntay sadax...

Götenborg Maxkamada sare ee Degmada oo xabsi iyo tarxiil ku xukuntay sadax qof.

0

Maxkamadda racfaanka ayaa xabsi ku xukuntay nin ka soo jeeda Falastiin oo lagu eedeeyey weerar uu ku qaaday xarunta cibaadada Yuhuudda (Synagogan) ee magaalada Göteborg, halka ay maxkamadda sare gaartay go’aan dhabba tus ah oo wax ka badashay, iyadoona ku riday xukun in dalka laga masaafuriyo.

Bishii diseembar ee 2017 ayaa weerar lagu qaaday xarun cibaado oo qowmiyadda Yuhuuddu ku ledahay magaalada Göteborg, middaasina oo ey ka dambeeyeen saddex nin. Faldembiyeedkaa ayay maxkamadda racfaanku ku riddey xukun, iyadoona ku sababeeysay inay sabab u ahayd naceeyb.

Mid raggaasi ka mid ah oo ka soo jeeda Falastiin ayay maxkamadda Racfaanku sheegtay inaan lagu xukumi karin tarxiil, iyadoo laga eegeyo xiisaha ay dawladda Israa’iil arrinkaa u qabi karto, sidoo kale xaaladda aan kala caddeeyn ee ka aloosan xadka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

Maxkamadda Racfaanka ayaa go’aankeeda ku sheegtay inaan la xaqiijin karin xuquuqda bani’aadminimo ee ninkaasi haddii carrigaa loo tarxiilo, hase yeeshee xeer ilaaliyuhu abiil uga qaatay maxkamadda sare.

Halka ay maxkamadda sare go’aan ku gaartay in ninkan loo tarxiili karo carriga Gaaza.

Wakaaladda socdaalka ayaanay u muuqan inay jirto halis gaar ah ee ninkan ku soo wajhan haddii dib loogu celiyo carriga Gaaza, sida ay qortay maxkamadda sare.

Maxkamadda sare ayaa sidoo kale salaasada maanta waxay go’aan dhabba tus ah ka soo saartay laba dacwadood oo kale oo u dhigma-halkaasina oo maxkamaddu eegtay go’aanno tarxiil oo lagu gaarey dembiyo la galey.

Mid waxay salka ku heeysaa nin 30 jir ah oo uu ku dhacay xukun lix bilood ah , maadaama uu dhac ka geeystay sannadkii 2017 dukaan ku yaala waddada Kyrkogatan ee magaalada Skurup.

Labada maxkammadood ee degmada iyo midda racfaanka ayaa ku xukumey tarxiil. Ninkan oo u dhashay dalka Falastiin, ayaa loo tarxiili doona dalka Liibiya, halkaasina oo uu ku dhaqnaa.

Maxkamadda sare waxay go’aankeeda ku sheegtay in aanay iminka xaqiijin karin in lagu guuleeysan doono in ninkaasi la tarxiilo kolka uu xukunkiisa lixda bilood ah dhammeeysto.

Dacwadda saddexaad waxay salka ku heeysaa wiil 20 jir ah oo uu ku dhacay xukun kufsi culus iyo handadaad sannadkii 2017, iyadoona lagu ridey xukun ah afar sannadood iyo siddeed bilood oo xarig ah.

Wiilkan oo ka soo jeeda dalka Suuriya wuxuu Sweden ku sugnaa laga soo bilaabo sannadkii 2015, iyadoona labada maxkamadood ee degmada iyo racfaankuba isku raaceen in dalka laga masaafuriyo.

Maxkamadda sare ayaa dacwaddeeda ku eggtay in wiilkan loo masaafurin karo dalka Suuriya, iyadoona la go’aamiyey in la masaafurin karo. Maadaama uu xabsigiisu ku eg yahay bisha agoosto 2020 ayay maxkamadda sare sheegtay in aanay iminka caddeeyn karin in muddadaasi ay jiri kari doonto asbaabo hor istaagi doona in dalkiisii dib loogu celiyo, sida ku caddeeyd go’aanka maxkamadda.

Somaliska Götenborg

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here