Home Wararka Maanta Norway Booliska oo codsaday in Qaxootiga la Dajiyo Meel Kale oo aan...

Norway Booliska oo codsaday in Qaxootiga la Dajiyo Meel Kale oo aan aheyn Caasimada Oslo.

0
Madaxa booliiska Hans Sverre Sjøvold ayaa farta ku fiiqay caqabadaha isdhexgalka ee ka jira Oslo.

Xilli dhawaanahan ay jireen dhacdooyin ku aadan tooreey dad lagu dhaawacayey qaasatan todobaadyadii ugu dambeeyey magaalada Oslo ayuu taliyaha ciidanka Booliiska caasimadu soo jeediyey talooyin uu u arko in wax looga qaban karo arrinkan.

Madaxa booliiska Oslo wuxuu sheegay in ay jiraan dhalinyaro midiyo sidata oo dhib ku gaysta, isagoo xusay in badankood ay yihiin dhalinyaro asal ahaan ka soo jeedo bulshooyinka aan noorweeji ahayn.

Wuxuu si cad u sheegay taliyuhu in dhibkani uu salka ku hayo faqri iyo dhibaatooyin kale oo la xiriira isdhexgal la’aanta bulshada dhexdeeda.

– Waxaan qabaa in haddii soogalooti cusub ay imaanayaan in markaas la dejiyo meelo kale oo aan Oslo ahayn. Waxaan ogahay in qaar badan doonayaan inay degaan meelaha ay dadka ka garanayaan laakiin arrintani waxay abuuraysaa caqabado ku aadan isdhexgalka, cid wax ka faa’iidaysana ma jirto ayuu yiri Sjøvold.

Sjøvold wuxuu qabaa inay muhiim tahay in booliiska, hay’adda arrimaha carruurta qaabilsan ee barnevern iyo iskuuladu ay iska kaashadaan hawl ka hortag ah. Wuxuu farta ku fiiqay in ay caqabad tahay in soo galootigu ay ku soo ururaan magaalada Oslo.

Somaliska Oslo

Xigasho/Nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here