Home Wararka Maanta Barlamaanka Norway oo Xadidaya mudada Qofka looga Ceshan karo Basaboorka Muwaadinimo.

Barlamaanka Norway oo Xadidaya mudada Qofka looga Ceshan karo Basaboorka Muwaadinimo.

0

Mudo dhoor sano ah ayay soo jiitameysaa Aragtida ku aadan badalka sharciga dhigaya in Qofka waqti walbo looga Ceshan karo Basaboorka ama dhalashada dalka iyadoo la doonayo waqti cayiman hadii uu waqtigaasi uu dhameesto aanan dib looga ceshan karin taasi oo dhoor mar leesku dayay.

Barlamaanka gaar ahaan Xisbiyada qaar ayaa soo jeediyay in mudo 5 sano ah gudaheed Qofka looga ceshan karo Sharciga hadii uu mudadaasi dhaafo aysan Dowlada Xaq u yeelan karin sharci celinta Qofkaasi waxana Hindisaha soo keediyay Xisbiyada kala ah SV,Rodt iyo MDK kuwaasi oo ololaha xoogiisa wada.

Xisbiyada kale ee Barlamaanka ku jira ayaa ka aamusan Sharcigan oo caawinaya Qaaxoti badan iyadoo la filayo in Codeenta Barlamaanka ay dhacdo maanta oo ah Talaado 12 bisha Feb ee 2019.

Dhanka kale banaanka hore ee Xaruunta Barlamaanka ayaa la filayaa in uu ka dhaco Banaan-bax xoogan oo lagu taageerayo Hindisaha cusub ee ku aadan Badalka mudada Dhalashada Dalka leeskaga ceshan karo.

Somali badan oo ku nool Dalka Norway ayaa dhibaato waxay ku qabaan dhalashada Dalka Madana Hay’ada UDI ay awood u leedahay in qofka ay doonto ka ceshan karto Sharciga.

Norway ayaa sida caadiga waxay Sharciga dhalashada ku bixisaa mudo 7 sano ah Qofka ku noolaada Dalkeeda.

Somaliska Olso

Xigasho/stortinget

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here