Home Wararka Maanta Safarada Duulimaadka iyo Tareenada qaarkood oo la joojiyay Baraf Xoogan oo ka...

Safarada Duulimaadka iyo Tareenada qaarkood oo la joojiyay Baraf Xoogan oo ka da’ay Sweden.

0

Guud ahaan Wadanka Sweden waxaa ka da’ay baraf xoogan kaasi oo saameyn xoogan ku yeeshay isku Socodka Tareenada u kala goosha Gobolada Dalka iyo qaar kamid ah Duulimaadyada Garoonka Arland kadib Baraf Xoogan oo saameyn ku yeeshay iyadoo ku dhawaad 100 duulimaad la kansalay ama la joojiyay sida ay qoreen warbaahinta gudaha.

Duulimaadka la joojiyay oo gaaraya 100 duulimaad ayaa iskugu jira diyaarado imaanayay iyo kuwa ka duulayay Garoonka Arland waxana hakantaasi uu gaartay ilaa xiliga danbe sida uu sheegay Lovisa Ernestam oo ah afayeen u hadlay Swedavia..

Dhanka kale Waxaa Hakad xoogan ku yimid Tareenada loo yaqaano SJ kuwaasi oo Safaradooda Gobolada Dalka laga hakiyay ku dhawaad 5,000 kun oo qof ayuuna saameyn ku yeeshay Tareenada la hakiyay.

Hay’ada SMHI ayaa digniinaha badankooda waxay kasoo saaray xeebaha Gävleborg, Västernorrland iyo Västerbotten Sidoo kale waxaa Hakad ku yimid basaska Magaalada Qaarkood kuwaasi oo markii danbe dib u furmay kadib wadooyinka oo la hagaajiyay.

Wixii ku soo kordha Lasoco

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here