Home Wararka Maanta Stefan Löfven iyo Hogaamiyaasha Xisbiyada oo Maanta Khudbado Kulul ka horjeediyay Xaruunta...

Stefan Löfven iyo Hogaamiyaasha Xisbiyada oo Maanta Khudbado Kulul ka horjeediyay Xaruunta Barlamaanka.

0

Madaxa dawladda Sweden, Stefan Löfven (S) ayaa dhowaantan furay dooddii ugu horreeysay sannadka ee hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka.

Löfven ayaa qudbaddiisa ku bilaabay in dalka Sweden uu galay xaalad cusub iyo in siyaasadda dawladda xisbiyada dhexe ay tahay sidii ay wax uga qaban lahayd arrimmaha difaaca iyada oo loo marayo dhabbada nidaamka dimoqoraadiyadda ee Liberaalka, sida uu sheegay. Isagoo hadalkiisii sii watana sheegay iney Yurub ku soo badaneyaan xoogagga nashinaaliistaha, hase yeeshee uu dalka Sweden doortay dhabbo kale, sida uu hadalka u dhigay.

Sweden waxay yeelatay dawlad garabka bidix oo aan lahayn wax idiyoloojiyad ah, sida uu sheegay hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson.

– Waxaa dalka ka jira dawlad la mid ah middii horay u jirtay, hase yeeshee ka yar, sida uu sheegay.

Hoggaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna, Jimmie Åkesson ayaa sidoo kale qudbaddiisa ku furay inuu dalka Sweden galay marxalad cusub ee siyaasadeed. Waxaa ka abuurantay dawlad la mid ah middii horay u jirtay ee Casaan-Cagaarka “dhammaan xisbiyada liberaalka ee bidixda ey ku mideeysan yihiin”.

– Xisbiga SD wuxuu noqon doonaa mid mucaarad dhab ku ah garabka siyaasadda ee libiraalka bidixda, sida uu hadalka u dhigay.

Hoggaamiyaha xisbiga Vänsterpartiet Jonas Sjöstedt wuxuu qudbaddiisa ku weeraray heshiiskii afarta xisbi ee S, MP, C iyo L.

– Waxaa kor u kici doona farqiga kala sarreeynta dabaqyada. Waana mid ku cad qodobbada heshiiska inuu farqigu kor u kici doono, waxna ka bedeli doona aasaaska, sida uu sheegay.

Ebba Busch Thor, hoggaamiyaha xisbiga Kristdemokraterna ayaa ku sifeeysay heshiiska dawladda lagu dhisay sidii qof isku eegay muraayad la kala rogey.
– In dib loo jaleecsado heshiiskii jannaayo la gaarey wuxuu la mid yahay in caalamka lagu eego muraayad kala rogan, sida ay sheegtay Ebba Busch Thor, iyadoo hadalkeedii sii wadatana sheegtay:

– Waxa keliya ee xisbiyada heshiiska gaarey isku xirayaa yahay inay ka soo horjeedaan, sida ay sheegtay.

Hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna Jan Björklund ayaa difaacay heshiiskii uu xisbigiisu ku taageeray dawladda S iyo MP ee la gaaray jannaayo.

– Natiijadii doorashadu ma aanay noqon sidii aannu fileeyney, balse waxaannu go’aansanney iin masuuliyaddayada aannu dusha u ridano, baarlamanka dalka ayaa u kala jajaban qaabkii ugu liitay muddo 100 sannadood ah, codbixiyeyaasha sidoo kale, sida uu sheegay Jan Björklund.

Gustav Fridolin oo ka mid ah labada hoggaamiye ee xisbiga Miljöpartiet wuxuu qudbaddiisa kaga hadlay habdhaqanka gacan isa siinta iyo sidii looga hor tegi lahaa farqiga u dhexeeya dabaqadaha. Fridolin ayaa farta ku fiiqay in wixii ka dambeeyay sannadihii sagaashameeyadii uu kor u kacay farqiga u dhexeeya dabaqadaha, waana caalamka fakhriga ah cidda maalgelisa nolosha qaniga oo ey ku nool yihiin tujaartu, sida uu sheegay.

– 2019, wuxuu adduunku noqon kari lahaa mid ka wanaagsan, horay nooma aanay soo marin qaniimada aannu heeysanno, sida uu sheegay  Fridolin.

– Sweden waxay ka mid tahay waddammada ugu qanisan caalamka, waannu is caawin karnaa.

Hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf ayaa sheegtay in heshiiskii ey afarta xisbi wada gaareen uu salka ku hayo sidii wax looga qaban lahaa howlaha hor yaala dalka.

– Waxaannu ku guuleeysanney in heshiiskan lagu hirgeliyo siyaasadda liberaalka, sida ay sheegtay Annie Lööf.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here