Home News in English Migrationsverket oo war kasoo saaray Xaalada Qaxootiga Afganistan iyo Qaxootiga loo celin...

Migrationsverket oo war kasoo saaray Xaalada Qaxootiga Afganistan iyo Qaxootiga loo celin karo.

1

Hay’ada laanta socdaalka sweden ee migrationsverket ayaa qoraal ay soo dhigtay website-ka laanta waxay kaga hadashay xaalada ka taagan Dalka Afganistan ee Gobolada dalkaasi iyadoo warbixinta lagu sheegay in xaalad halis ah ay ka jirto Gobolada badankooda taasi oo keeni karta in aan xiligan qof lagu celin.

Xog aruurinta ay soo bandhigtay migrationsverket ayaa soo bilaabatay sanadkii 2017 bishii Aguest iyadoo intaasi wixii ka danbeeyay uu socday xaalad isku qiimeen u dhaxeysa sharciga iyo sidoo kale dhibaatada markaasi taagan waxana lasoo bandhigay dhoor jeer xaalada wadamada ay dhibaatada ka jirto.

Gobolka Nangarhar ee Galbeedka Dalka Afganistan ayaa aad loogu maleenayaa in ay sii xumaaneyso waxana qof kasta uu halis ugu jiraa in dhibaatada saameyso sidaasi darteed hay’ada laanta socdaalka ayaa joojisay dadka lagu celiyo Gobolkaasi xaalad halis awgeed.

Gobolada Nangarhar iyo Helmand ayaa ah kuwa ugu badan ee Qaxootiga Afganistan isku dhibaan waxana ka jirta dhibaato xoogan lakin Gobolka Uruzgan ayaa lagu sheegay warbixinta in lagu celin karo qaxootiga madama aysan ka jirin xaalad adag sidii hore oo kale sida uu sheegay Fredrik Beijer. oo ka tirsan laanta socdaalka sweden.

Dalka Somaliya ayaana lagu soo qaadan warbixinada kasoo baxa laanta socdaalka madama loo arko wadan wali dhibaatadiisa ay tahay mid halis ah isla markana aan lagu celin karin qaxootiga marka laga reebo qofka isaga laf ahaantiisa dalbada.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Migrationsverket

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here