Home Wararka Maanta Dalka Norway oo kaalinta ugu horeysa ka galay dimuqraadiyadda Caalamka.

Dalka Norway oo kaalinta ugu horeysa ka galay dimuqraadiyadda Caalamka.

0
Oslo 20181209. Stortinget og løven i Oslo. Foto: Gorm Kallestad / NTB scanpix

Norway waxay noqotay wadanka ugu wanaagsan ama sida ugu badan ugu dhaqma dimuqraadiyadda halka Talyaanigu uu si xoog leh hoos ugu dhacay.

Dalka Norway ayaa 9,87 dhibcood ku hoggaaminaya 10 ka dal ee kaalinta ugu saraysa uga jira liiska 167 dal, iyadoo Island ay noqotay dalka ku xiga sida lagu caddeeyey qormada wargeyska the Economists demokratiindeks.

Dalalka kala ah Sweden, New Zealand, Danmark, Canada, Irland, Finland, Australia iyo Sitzerland ayaa sida ay u kala horeeyaan ugu guulaystay kaalimaha ku xiga labada dal ee hore.

Dalalka Afghanistan, Suuriya, Sucuudi-Carabiya, Yemen, Jamhuuriyadda bartamaha Afrika, Chad, Kongo iyo waqooyiga Kuuriya ayaa noqday kuwa kaalimaha ugu hooseeya ka galay taasoo ka dhigan in aysan si wanaagsan u dhaqan gelin nidaamka dimuqraadiyadda.

Dalalka Maraykanka, Turkiga iyo Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka la sheegay inay hoos u dhac ku sameeyeen sidii ay horey ugu dhaqmi jireen dimuqraadiyadda.

Somaliska Oslo

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here