Home News in English Denmark oo soo bandhigtay tirada Qaxootiga ay Sharciga siisay sanadka 2018.

Denmark oo soo bandhigtay tirada Qaxootiga ay Sharciga siisay sanadka 2018.

0

Dowlada dalka denmark oo sanadihii u danbeeyay sharciyada kala laabatay dad badan oo qaxooti ah ayaa soo bandhigtay tirada qaxootiga ay sharciga siisay sanadkan dhaamanaya ee 2018.

ku dhawaad 2 199 kun oo qaxooti ah ayaa helay sharciga daganaanshaha dalkaasi sida ay cadeysan wasiirada Arimaha Dibada iyo is-dhexgalka dalkaasi Inger Støjberg oo warbaahinta la wadaagtay qoraalkaasi.

wadamada Turkey, Afghanistan iyo Iraq ayaa noqday qaxootiga ugu badan ee dalkaasi ka helay sharciga danaanshaha sida warbixinta ku cad inkastoo somaliya aysan ku jirin.

Qoysaska la mideeyay iyo kuwa magangalyada kasoo doontay dalka denmark ayaa korortay hase yeeshee waxaa hoos u dhacay dadka shaqada iyo waxbarashada u yimid dalka.

tirada Qaxootiga dalkaasi iska dhiibay ayaa wali aad u hooseesa sida ay sheegtay Inger Støjberg oo warqad u dirtay Website-yada denmarka laga leeyahay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here