Home Wararka Maanta Xisbiyada Socialdemokraterna iyo Moderateka oo maanta laga Sugayo Qorshe Cusub.

Xisbiyada Socialdemokraterna iyo Moderateka oo maanta laga Sugayo Qorshe Cusub.

0

Maanta oo jimce ah ayaa laga sugayaa hoggaamiyayaasha xisbiyada Sooshaalka iyo Moderat-ka Stefan Löfven iyo Ulf Kristersson in ay ku war celiyaan afhayeenka baarlamanka iyaga oo gudbin doona warbixino sida dowlad loo dhisi karo.

Hase yeeshee ilaa iyo imminka ma jiro war cusub oo ka soo baxay xisbiyadan.

– Ma hayo wax cusub oo aan idinla wadaago. Waan isku soo noqon doonaa haddii ay soo baxaan wax la sheego, waxaa sidaasi yiri afhayeenka Löfven, Erik Nises.

–  Ma hayo war cusub oo aan sheego, waxaa iyana sidaasi yiri Tobias Billström (M).

Afarta bisha Janaayo oo iyana ah Jimcaha dambe ee soo socota ayaa ah xilliga rasmiga ee labada hoggaamiye laga rabo warbixin ay ku celinaayaan afhayeenka baarlamanka.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here