Home Wararka Maanta Barlamaanka Norway oo diiday Sharci Cusub oo Quseeya Dhalinyarada diidmada heysata ee...

Barlamaanka Norway oo diiday Sharci Cusub oo Quseeya Dhalinyarada diidmada heysata ee dhigan lahaa Dugsiga Sare.

0

Barlamaanka Dalka Norway ayaa diiday hindise cusub oo loo soo jeediyay kaasi oo ku aadan dhalinarada dalkaasi ku sugan ee diidmada heesta.

Sharciga ayaa dhigaya in Dhalinyarada heesata diidmada loo ogolaado waxbarashada dugsiga sare in ay sii wataan isla markana wadanka joogaan inta ay ka dhameesanayaan.

Xisbiyada kala ah SV iyo AP ayaa soo gudbiyay Sharciga oo labo qaab ah lakin waxaa ka diiday Barlamaanka oo ku dooday in aysan jirin sabab uu Qofka ku joogo dalka mar hadii uu heesto diidmo.

Tan iyo markii ay hogaanka dalka qabatay Erna Solberg waxaa isbadal lagu sameeyay sharciyada dalka ee Qaxootiga iyadoo badankooda la adkeeyay waxana sharciga dalka laga ceshtay dad badan.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here