Home News in English Sweden oo soo bandhigtay Tirada Qaxootiga ay sanadkan kasoo qaadatay Qaxootiga Caalamka.

Sweden oo soo bandhigtay Tirada Qaxootiga ay sanadkan kasoo qaadatay Qaxootiga Caalamka.

0

Dalka Sweden ayaa shaaciyay Tirada Qaxootiga ay soo qaateen Sanadkan 2018 ee dhamaanaya.

Hay.ada laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa websitekeeda ku qortay in Sanadkan ay Sweden soo qaadatay ku dhawaad 5,000 kun oo qaxooti ah.

Bisha November ayaana lagu sheegay in tirada qaxootiga ee sanadkan lasoo gaba gabeenayo.

Tirada Qaxootiga ayaa ka dhigan in Sweden soo qaadatay Qaxootiga ugu badan tan iyo sanakii 1990 markaasi oo Qaxootiga badan ay soo qaadatay.

Oskar Ekblad, oo ah madaxda dib u dajinta Qaxootiga soo gaara dalka ayaa sheegay in ay ku guuleesteen bilowgii sanadkan qaxootiga soo gaaray dalka.

Sweden ayaa sanadkan qaxootiga ugu badan kasoo qaadatay wadamada kala ah Niger, Egypt iyo Turkey. waxana warbixinta lagu sheegay in sweden tahay wadanka 3 aad ee dunida ugu badan ee qaxooti soo qaata.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here