Home Wararka Maanta Xisbiyada isbaheestay ee Allianse oo wada hadal ugu baaqay Xisbiga Socialdemokraterna..

Xisbiyada isbaheestay ee Allianse oo wada hadal ugu baaqay Xisbiga Socialdemokraterna..

0

aroornimadii saaka xisbiyada isbaheestay ayaa casuumaad u diray xisbiga socialdemokraterna taasi oo ku aadan sidii loo dhici lahaa dowlada dhameestiran oo wadajira ah.

casuumaada ayaa la xiriirta sidii looga hadli lahaa dowlad wadajirka ah waxana wada diray afarta xisbi ee ku mideysan Alliance.

sida lagu qoray joornaalka Dagen nyheter hogaamiyaha xisbiga Moderateka ayaa sheegay in casuumaad u direen Stefan Löfen si looga hadlo dhismaha dowlad isbaheysi oo labada dhinac ah isla markana hogaaminayaan kuwa midig.

Wada hadalka ka imaanaya dhanka xisbiyada isbaheestay ayaa ku soo aadaya iyadoo xisbiga qaxootiga kasoo horjeeda ee Sverigedemokraterna uu dhawaan wada hadal ugu baaqay dhanka xisbiyada isbaheestay kuwaasi oo diiday wada hadalka.

Waxaa la filayaa in Xisbiga S uu kasoo jawaabo hadalka kasoo yeeray dhanka xisbiyadan oo warbaahinta qaarkood hada qorayaan in xisbiga uu diiday.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here