Home Wararka Maanta Dooda Talafashinka SVT kadib Xisbiga sverigedemokraterna oo joojiyay Xiriirka Warbaahintasi..

Dooda Talafashinka SVT kadib Xisbiga sverigedemokraterna oo joojiyay Xiriirka Warbaahintasi..

0

doodii habeen hore ee jimcaha ka baxday talafashinka Sweden ee SVT ayaa aheyd dood muran xoogan dhalisay taasi oo keentay in khilaaf ka dhex dhasho xisbiga sverigedemokraterna iyo talafashinka Sweden.

khilaafka ayaana yimid kadib hadal uu jeediyay hogaamiyaha xisbiga Jimmie Åkesson oo ku aadan dhanka qaxootiga iyo hadalo ku saleysan naceyb dadka aan dhaladka aheyn.

Jimmie Ã…kesson ayaa dooda dhexdeeda ka sheegay hadalo xanaf ah isagoo yiri dadka badan ee soogalootiga maheli karaan shaqo sababtoo ah Mahan dad Swedish ah kumana haboona joogitaanka sweden.

Su. aasha laga doodayay ayaa aheyd ” Maxay ajaanibta qaar shaqo uga helin Dalka Sweden.

hadalkaasi ayaa dood adag dhaliyay iyadoo wariye Martina Nord oo aheyd wariyaha daadihineysay barnaamijka aytiri hadalka Jimmie Åkesson waa mid nasiib daro ah mana ahan mid talafashinka ka tarjumaya.

Xisbiga sverigedemokraterna ayaa dhankiisa sheegay in uu xiriirka talafashinka SVT uu hakiyay ilaa inta uu raaligalin ka bixinayo isagoo xubnaha xisbiga ugu baaqay in aysan la hadlin warbaahintasi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here