Home News in English Migrationsverket oo war cusub kasoo saaray Helista Sharciga Sweden ee iskuulka Dugsiga...

Migrationsverket oo war cusub kasoo saaray Helista Sharciga Sweden ee iskuulka Dugsiga Sare..

0

Hay.ada laanta socdaalka sweden ee migrationsverket ayaa go.an cusub kasoo saartay ardayda dhigata waxbarashada dugsiga sare gaar ahaan dhalaanka dalka ku yimid qaab kaligood ah.

Sharciga ayaana markale loo fasaxay caruurta dalka kaligood soo gaaray kuwaasi oo dhigta xiligan iskuulka dugsiga sare waxana jira dhoor sharuud oo ku aadan in aad xareesato cudsiga si sharciga laguu siiyo.

Tusaale waxaa sharciga xareesan karo oo kaliya qofka iska dhiibay dalka taariikhada marka ay aheyd November 24, 2015 waxii ka horeeyay oo kaliya.

Anna Lindblad, oo ah qabiir dhanka laanta socdaalka ayaa sidaasi u sheegtay warbaahinta iyadoo arintaasi ku dartay in kamuunka laga eegayo waqtiga aad isdhiibtay.

Nuuca Codsiga la aqbalayo.

Iyadoo la eegayo Waxbarashada Dugsiga Sare Codsiyada la aqbalayo waxaa kamid ah in Diidmo lagu siiyay iyo in jawaabta kiiskaaga kugu qaadatay mudo 15 bilood iyo ka badan kuwaasi ayaana lagu sheegay kuwa sharciyan u leh in ay soo xareestaan codsiga hadii ay dhigtaan dugsiga sare.

tan iyo July 18 keeda ee sanadkan ayaa sharcigan hakad ku yimid kadib markii labo kamid ah maxkamadaha laanta socdaalka ay diideen sharcigan.

Xareenta Codsigaaga ayaana dhici karta iyadoo aad heysato ilaa bishan dhamaadkeeda 30 Semtemper waxana Anna Lindblad. ay ku celisay markale in dadka ay u soo xareestaan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Fiiro gaar ah Sharcigan Waxa uu quseeya dhalaanka kaligood socodka ee sharciga dalka loo diiday.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here