Home News in English Waa Sidee Xaalada Qaxootiga iska dhiibay Dalka Faransiiska ee Xiligan..

Waa Sidee Xaalada Qaxootiga iska dhiibay Dalka Faransiiska ee Xiligan..

0

inkastoo sharciyo cusub ay ka dhaqan galeen Dalka Faransiiska isla markana la filayay in dalka uu isbadal ka keeno dhanka qaxootiga cusub ee dalkaasi iska dhiibaya hada waxaa wali qaab feecan u socda qabilaada qaxootiga dalkaasi gaaray.

Qaxootiga dalkaasi gaaray ayaana badankooda u badan kuwa ka tagay dalalka kale ee yurub kuwaasi oo ka helay diidmo kadib markii loo sheegay in kiiskooda lagu qancin.

Dadka gaaray dalkaasi oo badankooda ka tagay Wadamada Finland, Sweden iyo Norway ayaa badankooda laga cafiyay Faraha dublinka ee badanaa dhibaatada ku ah qaxootiga.

Dadka qaarkood ee iska dhiibay wadankaasi ayaa kasoo baxay faraha kuwaasi oo loo sheegay in wadamadooda lagu warcelinayo halka qaarkood laga cafiyay.

Qaxootiga dalkaasi gaaray oo somalida ku jirto ayaa badankooda lagu helin faraha iyagoo markooda hore laga qaaday inkastoo markasta tahay arin nasiib ah.

Dadka ayaana badankooda helay sharciga marka laga reebo tiro yar oo sababo kala duwan ku waayay helista sharciga dalka faransiiska.

inkastoo xaalada Yurub ee dhanka qaxootiga ay iska xumaaneyso hada wadanka Faransa ayaa ku jira wadamada dhanka qaxootiga ku feecan kadib xisbiga cusub ee dalkaasi qabtay halka Germalka uu lamid yahay.

Sweden iyo Norway ayaa ah wadamada aadka ugu hooseeya dhanka qaxootiga iyadoo la adkeeyay sharuudaha lagu helo sharciga iyo waliba mudada aad sugeyso wareysigaaga.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here