Home News in English Xisbiga socialdemokraterna oo badalaya Sharciga ( LSS) ee lagu Caawiyo Dadka Cuuryaanka...

Xisbiga socialdemokraterna oo badalaya Sharciga ( LSS) ee lagu Caawiyo Dadka Cuuryaanka ..

0

inkastoo u muuqato mid lagu soo jiidanayo doorashada hadana xisbiga socialdemokraterna waxa uu sheegay in uu wax ka badalayo sharciga LSS ee caawinta dadka aan heysan lixaadka.

Sharci badalka ayaana dhigaya hubinta dadka xanuunsan in ay helaan lacagta caawina ee loogu tala galay halka maanta lacagaha qaarkood ay dowlada save ku sameesay ama keedisay taasi oo keentay in caruurta qaarkood aysan helin lacagta caawin.

Xisbiga sociald emokraterna ayaa sheegay in xisbiyada kale uu kala heshiinayo sidii caruurta xanuunsan oo idil ku heli karaan caawinaad sax ah.

Wasiirada Caafimaadka ee Xisbiga socialdemokraterna Lena Hallengren ayaa sheegtay in lacagta ay ka badnaan karto 1 billion si caruurta u helaan caawinaad.

Dowlada ayaase cabsi ka qabto madama ay sharcigan badaleyso isbuuc kahor xiliga doorashada sweden loogu tala galay.

Hoogaamiyaha Xisbiga Kristdemokraterna Ebba Busch Thor ayaa arintaasi ku tilmaamtay mid ceeb ah madama xisbiga uusan ka taxadareen caruurta lakin qorshihiisa uu yahay doorashada oo kaliya..

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here