Ardayda isku qortay barashada SFI oo korortay.

0

Ardaydii ugu badneyd abid ayaa isku qortay koorsada SFI (Svenska för invandrare – Af-Iswiidhish-ka Soo Galootiga) sanad dugsiyeedkii 2008/2009 sida laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Hay’ada Waxbarashada (Skolverket) ee Sweden.

84,300 oo arday ayaa qaadatey koorsada SFI sanadkii 2008/2009, taas oo siyaadey 14% arday sanadkii ka horeeyay, midaas oo ka dhigeysa ardeydii ugu badneyd abid ee qaadata koorsada.

36,100 arday ayaa markii ugu horeysay isku qoray koorsada luuqada Iswiidhishka.

Sidoo kale warbixinta hay’ada Waxbarashadu waxay soo bandhigtay in 63% ardadii 2006/2007 ay dhameysteen koorsada, ayna ku baaseen imtixaamaadkii

Waxyar in ka badan 25% arday ayaa ka haray koorsada sanad dugsiyeedkaas, halka 10% ay qorsheeyeen in ay sii wataan waxbarashadooda mustaqbalka.

Warbixintaan oo faahfaahsan waxaad ka aqrisan kartaa halkaan (Iswiidhish)

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here