CHIOS, GIRIIG – Ugu yaraan 15 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku geeriyooday xeebaha jasiiradda Chios ee dalka Giriiga, ka dib markii ay isku dhaceen dooni dheereeya oo ay wateen iyo markab kuwa ilaalada xeebaha Giriiga ah (Coast Guard).
Shilkan naxdinta leh ayaa dhacay habeennimadii Talaadada, 3-da Febraayo 2026, qiyaastii 9-kii fiidnimo. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay ciidanka badda ee Giriiga, doonida muhaajiriinta oo dhererkeedu ahaa 8 mitir ayaan lahayn wax calaamado iftiin ah (navigation lights), waxayna isku dayday inay ka baxsato ciidanka ka hor inta uusan shilku dhicin.
Waxaa la xaqiijiyay geerida 15 qof (11 rag ah iyo 4 dumar ah). Mid ka mid ah haweenka ayaa ku dhimatay isbitaalka ka dib markii la soo badbaadiyay.
24 qof ayaa laga soo saaray badda, kuwaas oo ay ku jiraan 11 carruur ah.
Laba haween ah oo uur lahaa ayaa lagu soo waramayaa inay ku weyeen uurkoodii (miscarriage) naxdinta iyo dhaawacyada shilka awgeed. Sidoo kale, laba askari oo ka tirsan ilaalada xeebaha ayaa ku dhaawacmay shilka.
Inta badan dadka doonida saarnaa ayaa lagu sheegay inay u dhasheen dalka Afgaanistaan.







