12 ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka Sweden ayaa warqad u qoray dowlada taasoo ku saabsan Soomaalida cusub ee qoysaskooda lala mideynayo. Gudoomiyaasha ayaa dowlada ka dalbaday in ay soo bandhigto qorshe cad oo ku saabsan sidii dadkaan loo qaabili lahaa. Waxay sheegeen in ay soo dhaweynayaan in la mideeyo reeraha maadaama uusan qofku noolaan karin reerkiisa la’aantiis balse waxay codsadeen in wax laga qabto su’aalaha hoose.
- Sidee ayay dowladu u taageersaysaa kamuunada qaabilaya Soomaalida badan ee imaanaya. Kamuunada ay ku nool yihiin dad badan oo waxbarashadooda hooseyso?
- Macquul ma tahay in qof aan waxbarasho lahayn in uu 2 sano gudahood shaqo ku helo?
- Maxay qorshe ah oo dowladu u haysaa si wax looga qabto arimaha socdaalka ee quseeya wadanka iyo kamuunada?
Iyadoo dowladu ay hada go’aamisay in dadka cusub ee waaweyn ay gali doonaan Arbetsförmedlinen, ayaa kamuunadu waxay cabasho ka qabaan in dadkaasi aysan labo sano gudahood shaqo ku helin karin. waxay ka cabsi qabaan marka ay dhamaato labada sano ee Arbetsförmedlingen in ay dib ugu soo noqon doonaan kamuunka oo cayr ka qaadan doonaan. Kamuunada ayaa sida caadiga ah lacagta cayrta waxay ka bixiyaan jeebkooda.
Gudoomiyaasha ku saxiixan codsiga loo diray dowlada oo lagu soo daabacay wargeyska Dagens Nyheter (DN) ayaa waxay kala yihiin…
Mats Johnsson (m), Alvesta kommun
Jan Bohman (s), Borlänge kommun
Ulf Eriksson (c), Falköpings kommun
Anders Berglöv (s), Flens kommun
Göran Dahlström (s), Katrineholms kommun
Elisabeth Salomonsson (s), Köpings kommun
Anders Ceder (s), Lindesbergs kommun
Maria Strömkvist (s), Ludvika kommun
Bo Zander (s), Nässjö kommun
Paul Åkerlund (s), Trollhättans stad
Bo Frank (m), Växjö kommun
Lena Baastad (s), Örebro kommun