Home Wararka Maanta Barlamaanka Sweden oo isniinta Dooranaya Afayeenka Barlamaanka Cusub.

Barlamaanka Sweden oo isniinta Dooranaya Afayeenka Barlamaanka Cusub.

0

doorashada sweden kadib waxaaa maalinta isniinta ee 24 septemper kulmaya barlamaanka Sweden waxana halkaasi isku aruursandoono Xisbiyada oo dooran doona Afayeenka Barlamaanka.

Caadiyan Waxaa Afayeenka Barlamaanka Sweden noqda xisbiga markaasi ugu weyn hase yeeshee hada lama ogaan karo cida noqon karta.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa sheegay in uu u codeen karo xisbi kale oo ku jira xisbiyada isbaheestay iyadoo xisbiyada isbahestay ee Alliancen ay soo jeediyeen in Andreas 
Norlén uu noqondoono afayeenka Barlamaanka (Talman).

Sidoo kale barlamaanka Sweden ayaa goobta ku dooranaya labo afayeen ku xigeen kuwaasi oo shaqada Gudoomiyaha Barlamaanka Qabanaya marka uusan joogin.

Sanadii u danbeeyay waxaa gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka ahaa Björn Söder oo ka tirsan Xisbiga sverigedemokraterna hase yeeshee xisbiga Vänsterpartiet ayaa kasoo horjeeda arintaasi.

Xisbiyada kale ayaa dhankooda sheegay in ay doonayaan sidii Björn Söder uu u joojin lahaa shaqadaasi.

ugu danbeyn Maalinta xigta ee 25 Bisha Septemper waxaa furmaya kulamada caadiga ee Barlamaanka Waxana halkaasi joogidoona Boqorka Sweden.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here