Home Wararka Maanta Akhriso Qaabka ugu fudud ee aad shaqo uga heli karto Dalka Sweden..

Akhriso Qaabka ugu fudud ee aad shaqo uga heli karto Dalka Sweden..

0

Marka aad ku sugan tahay Dalka sweden oo kamid ah Wadamada ku yaalla Qaarada Yurub dhankeeda Waqooyi waxaa adag in aad shaqo ku hesho si sahlan waxana dadka badankooda ay u maraan qaabab kala duwan si ay shaqo u heleen,

Dadka ku sugan wadanka badankooda ayaa ka siman shaqo raadinta sida in ay booqdaan Website-yada markaasi shaqada soo galsho ay u dalbadaan ama aadida koorsooyinka (kurs) taasi oo qofka u sahli karta in uu helo shaqo marka uu sameeyo Tareeninka loo diro.

Dadka qaar ayaana sameeya waxbarasho taasi oo u sahli karta in ay durba bilaabaan shaqo halka qaarkood inta aysan dhameen waxbarashada loo qaato qaab shaqo ah iyagoo shaqeeya waqti gaaban,

hadaba intaasi oo dhan ayadoo loo raadsado waxaa jirta qaab ka fudud oo dadka ay ku heli karaan shaqo aysan u marin wax raadin ah ama codsi dalbasho ah waxana maanta wadadaasi ku helay shaqo dad badan oo qaarkood luuqada aan sidaasi u aqoon.

Fitaax waxaa mid kamid ah somalida ku nool Swedeb waxana uu shaqo la.an ahaa mudo afar sano ah waxana uu dhoor meel u diray codsi ku aadan shaqo helitaan waxana badankooda lagu yiri thanks waan helnay shaqaale ee markale isku soo day.

isagoo arintaasi heesata ayuu la xiriiray saxiibkiisa oo mudo ka shaqeenayay shirkad isagoo waydiiday in uu shirkadiisa shaqo ugu soo dhameeyo,

intaasi kadib fitaax saxiibkiisa ayaa maamulka shirkada u waydiiyay shaqo waxana codsi kadib loo sheegay in uu Fitaax shaqo bilaabi karo isbuuc kadib isla markana loo baahanyahay,

Arintaasi ayaa sabab u ah fitaax sxbkiis oo mudo shirkada ka shaqeenayay isla markana maamulka ku qanciyay shaqo wanaag iyadoo la aaminsanyahay qofka uu keeno in uu noqon karo sidiisi oo kale.

Fitaax ayaa hada shaqada ka shaqeenaya mudo sadax sano ah waxana uu ku maareeyay naftiisa isagoo heesta Nolol isku dheeli tiran halka markii hore uu is lahaa wadanka isakaga tag,

Hadaba warbaahinta somaliska ayaa ogaatay in habka ugu fudud ee qofka uu shaqo ku heli karo ay tahay in aad la xiriirto qof aad asxaabtihiin oo ka shaqeeya shirkad ama goobo kale si uu kaga caawiyo shaqada aad dooneyso ogow waxaa jira shaqooyin aan u baahneen cilmi lakin u baahan daacadnimo oo kaliya iyo iaalinta waqtiga.

 

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here