Ururka IS oo arin la yaableh ka sameeyay xafiiska shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen)

6

Ururka argagixada loo aqoonsada ee lagu magacaabo IS ama Daesh ayaa arin la yaab leh ka sameeyay Sweden ka dib markii ay isku dayeen in ay askar ka qortaan dhismaha Xafiiska shaqada Sweden (Arbetsförmedlingen). Arintaan ayaa ka dhacday xafiiska Malmö iyadoo sanadkii hore uu mid ka mid ah xubnaha IS xiriir la sameeyay dadka shaqo doonta ah ee ka diiwaan gashan xafiiska Malmö si uu uga dhaadhicyo in ay u safraan Syria.

“Waxaa jira calaamado muujinaya isku day lagu doonayay in askar loo qoro ururka argagixisada” ayuu yiri Per-Ola Persso oo arimaha amaanka u qaabilsan Arbetsförmedlingen.

Arintaan ayaa la sheegay in ay ka dhacday goobta lagu qaabilo dadka shaqo raadiska ah ee xafiiska Malmö. Shaqaalaha AF ayaa waxaa la soo daristay cabsi weyn markii ay ogaadeen arintaan, iyagoo dacwad u gudbiyay booliska (Säpo).

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here