Shir ku saabsan tahriibka iyo doorka qurba-joogta oo ka dhici doona Stockholm

0

Hay’ad Qaxootiga aduunka UNHCR ayaa bisha soo socota waxay qaban-qaabin doontaa shir ku saabsan tahriibka iyo doorka ay ku leeyihiin qurba-joogta Soomaalida. Shirkaan oo ka dhici doona Stockholm iyo magaalooyin kale sida London ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa warbixin ku saabsan mashruuc ay hay’adu ka samaysay tahriibka, iyadoo ka dibma ay dhici doonto dood iyo aqoon-iswaydaarsi ku saabsan doorka qurba-joogtu ay ku leeyihiin tahriibka.

Arimaha xiisaha leh oo shirka lagu soo qaadi doono ayaa waxaa ka mid ah doorka internet-ka sida Facebook iyo sawirada ay qurba-joogtu galiyaan ay ku leeyihiin tahriibka. Waxaa kale oo laga doodi doonaa waxyaabaha ay qurba-joogtu ku taageeri karaan dhalinyarada si ay uga badbaadaan tahriibka.

Haddii aad jeceshahay in aad ka qeyb gasho shirkaan oo ka dhici doona Stockholm, maalinta sabtida ee taariikhdu tahay 2 April 2016 saacadu markay tahay 13:00 laguna qaban doonto Kista Träff. Waxaad iska diiwan galin kartaa Halkaan ama Facebook.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here