80.000 qof oo wadanka laga musaafurinayo, Soomaalidu maku jidhaa?

8

Dowlada Sweden ayaa shaacisay in wadanka laga musaafurin doono 80.000 qof oo ka tirsan qaxootigii dhawaan sharciga loo diiday. Wasiirka arimaha gudaha Anders Ygeman ayaa sheegay in dadkaan wadanka qasab looga saari doono oo lagu daabuli doono diyaarado ay soo kireysatay dowlada Sweden.

Laanta Socdaalka iyo Booliska ayaa amar lagu siiyay in ay diyaariyaan qorshihii dadkaan wadanka looga musaafurin lahaa. Dadka la musaafurinayo ayaa waxaa u badan kuwa ka soo jeedda Yurubta bari sida Kosovo, Bosnia iwm. Dowlada ayaa sidoo kale musaafurin doonta dadka ka yimid wadamada xasiloon ee ku yaala waqooyiga Afrika sida Algeria, Morocco.

Soomaalida sharciga loo diiday ayay u badantahay in aan qasab lagu saari doonin balse lagu amri doono in ay si iskood ah wadanka uga baxaan. Siyaasadaas ayaa ahayd middii ay ku dhaqmeysay dowlada Sweden sanadihii dambe, iyadoo qaasatan dadka ka soo jeeda waqooyiga Somalia lagu amro in ay wadanka ka baxaan. Wasiirka ayaa sheegay in dadka iskood uga baxaya wadanka la siin doono taageero dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee , dowlada Sweden ayaa u muuqata mid culeys weyn saaranyahay oo taageerada ay shacabka ka haysato aad hoos ugu dhacday halka mucaaradku ay codkooda siyaaday. Sidaa darteed ayaa laga yaabaa in dowladu ay ku kacdo ficilo xagjir ah si ay u soo jiidato codka Swedishka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here