Ninkaan maxaa daba dhigay Muslimiinta iyo masaajida

18

Tan iyo markii Sweden ay bilowday in ay lacag ku bixiyo waxa loogu yeero la dagaalanka xagjirnimada iyo argagixisada ayaa waxaa soo badanaya dadka doonaya in ay qeybtooda ka helaan shilimaadka, kuwaasoo diyaar u ah in ay ku hadlaan waxkasta oo ay ku hanan karaan jaceylka saxaafada Sweden iyo Mona Sahlin oo dowlada u qaabilsan qeybinta lacagtaas. Qaar kale ayaa doonaya in ay dhinaca siyaasada magac uga helaan oo haddii ay Soomaalida cod ka waayaan diyaar u ah in Swedishka ay u bandhigaan hadalo ka soo horjeeda Muslimiinta si loogu arko in ay yihiin kuwo dhexdhexaad ah oo jecel xadaarada reer galbeedka.

Dadkaas ayaa waxaa ka mid ah ninka lagu magacaabo Hashim Salad Elmi kaasoo caadaystay in uu saxaafada Sweden uga waramo arimaha argagixisada iyo xagjirnimada isaga oo qaasatan farta ku fiiqaya masaajida iyo Soomaalida. Wareysigii ugu dambeeyay oo uu siiyay idaacada Sweden ayuu ku sheegay in ragga dhalinyarada u kexeeya argagixisada ay ku suganyihiin masaajida. Eedeyntaas ayaa ah mid weyn oo uusan soo bandhigin wax cadeyn ah. Wareysiyo kale oo uu horey u siiyay Aftonbladet ayuu ku sheegay in Soomaalida Sweden ay maamulaan dad xagjiriin ah, taasoo iyadana iska cad in ay been abuur tahay.

Hadaba ma in uu xoogaa qarash ah u helo jaaliyadiisa mise in uu saxaafada ka soo caanbaxo ayuu u fadeexaynayaa Muslimiinta iyo masaajida mise arimo kale ayaa jira? Dad aqoon u leh isaga oo codsaday in aan magacooda la soo qorin ayaa ii sheegay in ay jidho xurguf shaqsiyadeed oo isaga kala dhaxaysa masaajida qaarkood, iyadoo taasi ay salka ku hayso arimo qoys balse taasi ayaanan xaqiijin.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan ninkaan oo keliya dadka diyaar u ah in ay waxkasta ku hadlaan si ay saxaafada uga soo dhex muuqdaan ama ku gaaraan danahooda siyaasadeed, shaqsiyadeed ama arimo kale. Horay ayaa loo kashifay dad been ka sheegay in ay dhalinyaro ka badbaadiyeen safarka Syria si ay lacag ugu helaan kuwaasoo baaritaan ka dib la ogaaday in sheekada dhan ay been abuur ahayd. Ilaa uu soo bandhigo cadeyn ayaa hadalada Hashim uu la dhexmarayo saxaafada aysan taasi waxba ka duwanahayn.

In laga hortago xagjirnimada dhalinyarada waa waajib na wada saaran, waana arin ay masaajida iyo Muslimiinta Sweden qeyb weyn ka qaadan karaan balse in saxaafada laga dhexqeyliyo sida qof caraysan adiga oo aan soo bandhigin fikrado waxtar leh oo arimahaan lagu xalin karo, ayaa Hashim iyo dadka la midka ah u soo hoyn doonta sumcad xumo iyo fashil ku yimaada ajandahooda qarsoon ee ku dhisan danaha shaqsiyadeed, siyaasadeed ama dhaqaale.

Soomaalida iyo Muslimiinta Sweden ayaa waxaa la gudboon in ay saxaafada u cadeeyaan in dadka nuucaan ah aysan cidna matalin isla markaana ay  yihiin caadoqaatayaal diyaar u ah in ay waxkasta ku hadlaan si ay xoogaa shilimaad ah u helaan.

Sidee kula tahay adiga akhristoow?

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here