“Masaajidka Nässjo laguma qeybsan nidaamka qabiilka 4.5”

11

Sidaas waxaa noo cadeeyay gudiga masaajidka iyo odayaasha reer Nässjo. Arintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay isbuucaan warbaahinta soo gashay warar sheegaya in la soo jeediyay in maamulka masaajidka lagu qeybsado nidaamka qabiilka 4.5. Arintaas ayaa keentay cambaareyn weyn oo loo soo jeediyay Nässjo iyo dadka ku nool.

“Walaal ma jiro wax khilaaf ah oo ka jira masaajidka Nässjo. Waxaan nahay dad walaalo ah oo isjecel, hadalkaana waa been la faafiyay. Ma garanayno cida faafisay ee ka dambeysa” sidaa waxa ii sheegay Abdinadir Hassan Hussein oo ka tirsan gudiga masaajidka.

Horay ayaan ula xiriirnay shaqsiyaad ku nool magaalada Nässjo oo noo sheegay in uu jiro tuhun ku saabsan arintaas balse waxaa nala soo xiriiray maamulka iyo odayaasha masaajidka oo sheegay in arintaasi ay tahay been abuur laga faafiyay dadka Muslimiinta ah isla markaana aysan jirin cid soo jeediyay arintaas iyo wax khilaaf ah oo u dhexeeya Soomaalida ku nool Nässjo.

Dhawaan ayaa la doortay maamul cusub oo ay yeelatay jaaliyada Nässjo oo ah magaca lagu soo kireeyay dhismaha maaajidka. Doorashadaas ayay gudiga masaajidku ii sheegeen in ay u dhacday si wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, waxaan marar-badan u soo joognay in khilaaf badan iyo isqab-qabsi uu ka dasho doorashada jaaliyadaha Soomaalida.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here