Björn Söder oo la dacweeyay ka dib markii uu Islaamka wax ka sheegay

3

Afhayeenka labaad ee Baarlamaanka Sweden Björn Söder oo ka tirsan xisbiga SD ayaa ka dib weerarkii Paris boggiisa Facebook ku qoray fariin uu kaga hadlayo dhacdadaas isagoo hadalkiisa ku soo koobay “Diintii nabada ayaa muujisay wajigeeda dhabta ah” taasoo uu ula jeeday in Islaamku ka dambeeyo weerarkii lagu qaaday shaqaalaha Wargeyska ka soo baxa Paris ee Charlie Hebdo. Hadalkaas ayaa waxaa cambaareeyay siyaasiyiinta Sweden, iyadoo lagu tilmaamay mid uu masuuliyada weerarkaas dusha uga saarayo Muslimiinta.

Söder oo lagu yaqaano in uu yahay nin cunsuri ah oo aad u neceb Islaamka, ayaa sanadkii hore noqday afhayeenka labaad ee Baarlamaanka Sweden. Ka dib hadalka uu ku qoray Facebook ayaa waxaa dacwad boolis ka gudbiyay Veronica Palm oo ka tirsan xildhibaanada xisbiga Socialdemokraterna (S) ugu jira baarlamaanka. Veronica ayaa dacwadeeda ku salaysan waxa loo yaqaan “Hets mot folkgrupp” oo ah naceyb ka dhan qoymiyad.

Ka dib weerarkii doraad ka dhacay Paris ayaa cabsi weyn la soo daristay Muslimiinta ka nool daafaha Yurub, iyadoo laga cabsi qabo in cunsuriyiintu ay ka aargoostaan Muslimiinta aan waxba galabsan ee ku nool qaarada Yurub.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here