Maxkamada Yurub oo gaadhay go’aan muhiim ah oo ku saabsan Dublin

25

Maxkamada Xuquuqda aadanaha ee Yurub ayaa dhawaan gaadhay go’aan muhiim ah oo ku saabsan qaraarka Dublin. Go’aanka maxkamada ayaa faraya wadamada ka tirsan EU-da in aan lagu celin karin qof magangalyo doon ah wadan kale haddii uusan balan qaad ka helin ku saabsan in la siinayo xuquuqdiisa magangalyo.

Go’aanka maxkamada ayaa qaasatan quseeya familada iyo caruurta. Sida caadiga ah ayaa markii qofka uu faro ku leeyahay wadan kale oo Yurub ah uusan xaq u lahayn in uu magangalyo ka dalbado wadan kale, isagoo durbadiiba lagu celiyo wadankii uu ka yimid. Sweden ayaa si xoog leh u dhaqan galisa sharciga Dublin iyadoo dad badan lagu celiyo wadanka Talyaaniga.

Go’aanka maxkamada ayaa hada ka dib Migrationsverket ku adkayn doona in ay dadka isaga celiyaan talyaaniga, iyagoo laga doonayo inta aysan celin caruurta iyo familada ay la xiriiraan Talyaaniga oo ka xaqiijiyaan in la siinayo xuquuqdooda magangalyo taasoo ay ku jidho guri, dhaqaale ay ku noolaadan, caafimaad iwm. Haddii aysan xaqiijin karin ayay Sweden ku qasbanaan doontaa in ay iska iloobaan Dublin.

Migrationsverket ayaa sheegay in ay si fiican u aqrinayaan sharciga cusub oo ay dhaqan galin doonaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here