Maxkamada Sare oo go’aan ka soo saartay lacagta telefishinka

2

Maxkamada Sare ee Sweden – Högsta förvaltningsdomstolen (HFD) ayaa go’aan ay maanta soo saartay ku sheegtay in kombutarada aan laga qaadi doonin lacagta telefishinka ee loo yaqaan (tv-avgift) taasoo ay qaado shirkada Radio Tjänst.

Arintaan ayaa ahayd mid ay dad badan dhibaato ka haysatay ka dib markii sanadkii hore ay Radio Tjänst bilowday in ay dadka uusan telefishinka u oolin lacag ka qaado, iyagoo ku dooday in kombutarka uu qofku telefishinka ka daawan karo. Maxkmada sare ayaa maanta arintaas ka soo horjeesatay.

Maxkamada ayaa go’aankeeda ku sheegtay in kombutarka loo isticmaalo internetka uusan ahayn mid loogu talagalay telefishin daawasho, maxkamada ayaa intaas ku dartay in kanaalada laga daawado internetka aysan ahayn kuwa telefishinka oo kale ee ay yihiin kuwo qofku uu booqanayo.

Go’aanka maxkamada ayaa ah mid muhiim ah oo ay dad badan si weyn u soo dhaweyn doonaan, iyadoo ay dhibaato badan kala haysatay shacabka iyo Radio Tjänst.

Soomaalida ayaa horay marka ay Radio Tjänst soo booqato ugu dhihi jiray in aysan telefishin u oolin balse sanadkii tagay ayay bilaabeen in dadka oo dhan ay lacag ka qaadaan xitaa haddii uusan TV u yaalin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here