“Soomaalidu uma ogola gabdhahooda in ay dhexgalaan dhalinyarada Swedishka”

2

Mid ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga bidixda ee kamuunka Nässjö ayaa sheegay in uu aasaasayo urur dhalinyaro oo ka shaqeeya nassjo-kommunisdhexgalka dhalinyarada Soomaalida iyo kuwa Swedishka. Ninkaan oo lagu magacaabo Alexander Lowejko ayaa hada maamule ka ah qeybta isdhexgalka (integrationsenhet)  ee kamuunka Nässjö.

Mar uu ka hadlaayay sababta ka dambaysa fikradiisa, ayuu warbaahinta u sheegay in dhalinyaro badan oo Soomaali ah lala mideeyay waalidkooda balse aysan xiriir fiican la lahayn dhalinyarada Swedishka. Sababta ayuu ku sheegay in inta badan aysan waalidiinta soomaalidu u ogoleyn caruurtooda in ay dhexgalaan Swedishka. Isagoo intaas ku daray in qaasatan gabdhaha aan loo ogolayn in ay dhexgalaan Swedish badan, qofkii isku daya in uu sidaas sameeyana uu la kulmi karo ciqaab badan.

Hadalka ninkaan ayaa u muuqda mid jaa’ifo ku ah guud ahaan Soomaalida, isagoo doonaya in uu mashruuc ku raadsado hadalada qaladka ah ee uu ka faafinayo Soomaalida. Inkastoo ay saxtahay in waalidiinta Soomaalidu aysan doonayn in gabdhahooda ay dhexgalaan wiilasha Swedishka ee ajanbiga ka ah. Balse waxaa la ogyahay in waalidiinta Swedishka laftooda aysan doonayn in caruurtooda ay dhexgalaan soo galootiga, iyadoo ay marar badan dhacday in waalidiinta Swedishku ay ka guuraan xaafadaha ay ku soo bataan soo galootiga iyo in ay iskuulada ka badashaan ay caruurta soo galootigu ku soo badato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here