Laanta Socdaalka oo wax ka badalaysa aragtideeda ku aadan Somalia

20

Warbixin ay Laanta Socdaalka (Migrationsverket) u dirtay dowlada  ayaa waxaa na soo gaaray nuqul ka mid ah. Warbixinta ayaa lagu muujiyay qiyaasta Laanta Socdaalka ee bilaha soo socda ee ku aadan wadamada ay ka yimaadaan magangalyo doonka.

Warbixinta Laanta Socdaalka ayaa lagu sheegay in xaalada koonfurta Somaliya ay hada soo hagaagtay, iyagoo intaas ku daray in sharci yaqaanka Laanta Socdaalka Mikael Ribbenvik uu hada u fadhiyo diyaarinta aragti cusub oo ku aadan sida loo qaabilayo dadka ka yimaada koonfurta Somalia.

Aragtida cusub ayaa u muuqata in ay tahay in dadka Soomaalida ah ee magan galyada ka dalbada Sweden aysan si sahlan sharci ku heli doonin. Sadexdii sano ee la soo dhaafay ayaa Sweden waxay soomaalida sharciga ku siin jirtay haddii qofku cadeeyo in uu ka yimid koonfurta Somaliya oo keliya. Arintaas ayaa hada wax laga badali doonaa iyadoo qofka sharciga lagu siin doono oo keliya haddii isagu cadeeyo dhibaato ku dhacday.

Arintaan ayaa sharciga ku adkayn karta dadka Soomaalida ah ee iska dhiibay Sweden bilihii la soo dhaafay iyo kuwa soo socda. Dadka ku imaanaya dacwada qaasatan caruurta ayaysan arintaani saamayn ku yeelan doonin.

Dhinaca kale warbixinta Laanta Socdaalka ayaa lagu soo bandhigay in magangalyo doonka iska dhiibay Sweden sanadkaan ay cirka isku shareereen oo qaasatan dadka ka yimaada Suuriya ay hada yihiin kuwa horay laga siinayo shariciga. Isbuucii ayaa Sweden waxaa hada iska dhiiba ka badan 1000 qof oo ka soo jeeda Suuriya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here