Soo galootiga oo camiray Eskilstuna

17

Magaalada Eskilstuna ee gobolka Södermanland ayaa sanadihii u dambeeyay qaadatay soo galootigii ugu badnaa ee yimaada gobolka Södermanland sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray maamulka Gobolka. Ilaa sanadkii 2005-2011 ayaa magaalada Eskilstuna waxaa soo degay soo galooti lagu qiyaasay ka badan 2800 qof.

Dadkaan soo degay magaalada Eskilstuna ayaa walwal ku abuuray maamulka gobolka. “Waa xaalad aan u malaynayo in ay xumaan keeni karto” ayay tiri Lucie Riad oo maamulka gobolka u qaabilsan arimaha isdhexgalka. Sababta ay dadku u doorteen magaalada Eskilstuna ayaa lagu sheegay in ay tahay qaraabada oo ku nool iyo helitaanka guryaha oo fudud.

Maamulka gobolka ayaa jecel in soo galootigu ay si isku mid ah u degaan degmooyinka gobolka oo aysan hal magaalo dooran. Si arintaas loo gaaro ayaa waxay ku baaqeen in ay shir yeeshaan kamuunada gobolka oo la dajiyo qorshihii dadka loogu qeybin lahaa magaalooyinka.

Magaalada Eskilstuna ayaa qaasatan waxaa aad u camiray Soomaalida oo ku dooratay guryaha oo ka fudud iyo in aysan jirin baraatiik laysku diro sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadka halkaasi u guuray. Eskilstuna ayaa ah magaalo ay aad ugu badanyihiin soo galootigu. Maalmihii ugu dambeeyay ayaa magaalada laga soo sheegay dhibaatooyin xaga amaanka ah iyadoo 3 habeen raas ay ka dhacday magaalada oo dad lagu dhaawacay. Booliska ayaa sheegay in arintaas ay ka dambeeyeen gooxo dambiilayaal ah oo bartilmaameed iska dhigtay.

Magaalooyinka kale ee soo galootigu sida fiican u dageen ayaa waxaa ka mid ah  Katrineholm, Flen iyo Vingåker oo ka wada tirsan gobolka Södermanland.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here