Nordea oo isaga guuraya xaafada Tensta

5

Bankiga Nordea ayaa xiraya xafiiskooda ku yaala xaafada ay Soomaalidu u badanyihiin eeTensta, Stockholm ka dib markii uu xafiisku xirnaa mudo.

Xafiiska Nordea ee ku yaala Tensta Centrum ayaa mudo xirnaa iyadoo hada maamulka Nordea ay ku dhawaaqeen in aan dib loo furi doonin goobtaas. Arintaan ayaa walwal ku abuurtay ganacsatada halkaasi ku nool iyo shacabka oo hada ka dib ku qasbanaan doona in ay aadaan Kista.

Sababta ka dambeysa xiritaanka xafiiska Nordea oo dad badan ay macaamiil ka yihiin ayaa ah in bankigu uu ka arki waayay wax dan ah maadaama dadka inta badan ay isticmaalaan kaash. Dhinaca kale, sanadihii dambe ayaa waxaa isaga guurayay adeegyada bulshada ee muhiimka ah xaafadaha soo galootigu u badanyihiin ee magaalada Stockholm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here