Masaajid laga qorshaynayo magaalada Östersund

2

Muslimiinta ku nool magaalada Östersund ee ku taala bartamaha Sweden ayaa qorsheynaya in ay masaajid halkaa ka hirgaliyaan. Gudiga deegaanka iyo bulshada ayaa go’aan ku gaaray in la abuuro qorshihii lagu sameyn lahaa masaajidka.

Siyaasiyiinta magaalada ayaan inta badan ka soo horjeedin fikrada ah in masjid laga dhiso magaalada Östersund oo ah caasimada gobolka Jämtland. Arinta masaajidka ayaa u baahan in goloha deegaanka ee kamuunka ay go’aan rasmi ah ka gaaraan marka la dhamaystiro qorshaha. Qorshaha oo qoran sida goobaha macquulka ah ayaa hada loo soo bandhigayaa golaha.

Muslimiinta Östersund ayaa hada waxay leeyihiin lokal ciriiri ah oo ay ku cibaadeystaan, iyaga oo ka eedsheeganaya in qaasatan jimcaha uu aad saxmad u noqdo.

 

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here