Jiilaalkii ugu kululaa mudo 250 sano ah

5

Jiilaalkii ugu kululaa mudo ka badan 250 sano ayaa soo maray Sweden maalmihii ugu dambeeyay iyadoo meelaha qaar uu heerkulku gaaray 11C. Arintaan ayaa loo aaneeyay isbadelka ku yimid cimilada aduunka oo saameyn ku yeelatahay Sweden.

Magaalooyinka Gävle iyo Karlstad ayaa heerkulku gaaray 10-11C iyadoo lagu jiro bartamihii jiilaalka oo xiligaan uu jawigu ahaan jiray mid minus ah. Xiligaan oo Sweden uu baraf wada daboolay sanadkii hore ayaa sanadkaan inta badan uusan oolin dhulka.

Quburada la socota cimilada ayaa sheegay in ay filayaan in xaaladu ay sidaan sii ahaan doonto jiilaalyada soo socda maadaama heerkulka aduunka uu kor u kacay. Sanadkii 2010 ayaa qabowgii Sweden ka dhacay waxaa lagu tilmaamay kii ugu badnaa mudo dheer.

Dhinaca kale isbuucaan ayaa duufaan xoogan waxay ku dhufatay qeybo badan oo ka mid ah Sweden qaasatan galbeedka halkaasoo dad badan ay ku dhacday koronto la’aan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here