Video: “Daroogo ayuu i siiyay ka dibna waa i kufsaday oo sawiro ayuu iga qaaday”

29

Vidowgaan aad hoos ku aragtaan waa gabadh Soomaaliyeed oo sheegtay in nin Soomaali ah uu kufsaday ka dib markii uu cabitaan daroogo ugu daray ka dibna uu ka qaaday sawiro iyada oo aan dhar xirneyn. Gabadhaan oo u waramaysa wariye maraykan ah ayaa ka warantahay in iyada iyo ninkaan uu xiriir ka dhexeeyay oo ay aamintahay balse uu qiyaamay.

Gabadhaan ayaa sheegtay in ninkaan uu bilaabay in uu ka ganacsado sawiradeeda oo xitaa dukaankeeda hortiisa uu ku iibinayay iyo isaga oo soo galiyay internetka  Waxay intaas ku dartay in aysan wax taageero ah ka helin bulshada kale ee Soomaalida ah oo iyada eeda la saarayo oo loo arko in ay tahay qof xun maadaama ay hal mar qalad sameysay.

Inkastoo qaladka gabadhaan ay sameysay uu markii horeba yahay mid aan ku habooneyn dhaqanka Soomaalida iyo diinta Islaamka ayaa hadana la dhihi karaa dhibaatada uu u geystan ninkaan ayaa kasii weyn waxkasta. Ma saxbaa in Soomaalidu ay eeda saaran dumarka oo keliya iyada oo ragga xitaa ay qeybtooda leeyihiin? bal fikirkiina ka dhiibta.

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here