Gabadh Muslim ah oo ku jirta dadka ku guuleystay bilada Nobel Peace Prize

6

Dadka ku guuleystay bilada Nabada ee Nobel Peace Prize ayaa maanta lagu dhawaaqay iyadoo dhamaan dadka ku guuleystay ay yihiin haween. Bilada ayaa waxaa ku guuleystay Ellen Johnson Sirleaf oo ah madaxweynaha wadanka Liberia, Leymah Gbowee oo iyaduna ka soo jeeda Liberia iyo Tawakkul Karman oo ah haweeney Muslimad ah oo u dhalatay Yemen.

Haweenkaan ayaa wadaagi doona lacagta bilada Nobelka oo gaareysa 1.5$ milyan oo dollar. Haweenkaan ayaa lagu amaanay dhaqdhaqaadooda nabadeed ee ay ku raadinayaan xuquuqda dumarka.

Ellen Johnson-Sirleaf ayaa ah haweeneydii ugu horeysay ee Afrika ka noqota madaxweyne. Halka Leymah Gbowee ay ka qeyb qaadatay joojintii dagaalkii sokeeyo ee Liberia iyadoo uu abaabushay Dumarka. Tawakkul Karman ayaa iyaduna waxay qeyb weyn ku leedahay kacdoonka ka socda Yemen ee looga soo horjeedo Cali Cabdalla Salix.

Haweenkaan ayaa bilada la gudoonsiin doonaa 10-December waqtigaasoo ku beegan taariikhdii uu geeriyooday Alfred Nobel oo aasaasay biladaan sanadkii 1895.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here